|
islam
|
|
|
By:
|
aniis
|
|
Mood:
|
In love
|
|
Date:
|
04/16/2008 08:22:30
|
|
Music:
|
None
|
|
|
& nbsp; &nbs p; بسم الله الرحمن الرحيم Nebi Aadan nabadgelyo korkiisa ha ahaatee Wuxuu ahaa aabihii dadka oo dhan, Eebbaa dhoobo ka abuuray una tujisiiyay malaaigtiisa, waxaan ka ahayn Sheydaan, oo diidey inuu u tukado nebi Aadan. Eebbana wuxuu ku yiri Sheydaankii maxaadan u sameyn waxaan ku faray, Sheydaankii oo islaweyni iyo xasad ka buuxo ayaa ku jawaabey: Aniga ayaa ka wanaagsan nebi Aadan, oo waxaad iga abuurtey dab, isagana waxaad ka abuurtey dhoobo. Markaas baa Eebbe ku yiri Sheydaankii waxaa tahay mid laga fogeeyay naxariisteyda. Sheydaankiina wuxuu Eebbe ka baryey inuu u kaadiyo inta laga gaarayo aakhiro, Eebbana wuu ka aqbalay. Kolkaas buu wuxuu doonay inuu aarguto, oo wuxuu yiri: Eebbow sharaftaadaan ku dhaartee dhamaantood “dadka” waan baadiyeen, waxaan ka ahayn adoomadaada daacadda kuu ah. Eebbana wuxuu ku yiri Sheydaankii: Waxaan ka buuxin naarta Jahanamo adiga iyo wixii ku raacay dhamaantood. Eebbana wuxuu baray nebi Aadan magacyada. Wuxuuna u abuuray xaaskiisii Xaawo, dejiyeyna labadoodii janada, ugana digay ineysan u dhowaan geed ku yaalay jannada, hase ahaatee sheydaankii ayaa shaki ku abuurey oo wuxuu ku yiri: Ma idin tusaa geed haddaad cuntaan aydan weligiin dhimaneyn aadna heleysaan boqortooyo aan dhamaaneyn dabadeedna wey cuneen, ka dibna Eebbaa dhulka u soo dejiyey, waxayna weydiisteen dembidhaaf wuuna ka aqbalay. Eebbana wuxuu awoodsiiyey iney ku noolaadaan dhulka. Farayna iney isaga keligiis caabudaan kuna booriyey dadka taasi, kana yeelay rasuulkii Eebbe ee loo soo direy ilmihiisii, wuxuuna ahaa nebigii ugu horeeyey.
|
|