|
so romantic
|
|
|
By:
|
sumayasomalia
|
|
Mood:
|
In love
|
|
Date:
|
05/06/2008 04:57:35
|
|
Music:
|
love song
|
|
|
Marka hore iga hano salaan Guud lagu Dheehay Samirkiyo, Suuradaha Quraankiyo, Sadarada ilaahiyo, Wax lalasimaan jirin ayaan Sacabada kuugu sidaayee, Samo iiga Gudoon Qaaliyeey !!.. Saxan saxo udgoon badan Qaadirkey isiiyay baan Qalbigayga Saafiga ah kuugu sidaaye Tariib iiga Qaado macaney, Heerka Caafimadkeygu waa 100% adigane sidaas iyo si kawanagsan ayaan ilaahey kaaga baryaa.. Qalbi Qaali, Qiimo badaney, Qaayo badaney, Qadarin badaney, Qurux badaney, Xishood badaney, Xarago badaney, Xurmo badaney, Wanaag badaney, Asluub badaney, Amaan badaney,Hanaan wanageey Hadal macaney, Faceed ka Rooney Shekadaadii Qosolkagii iyo Farxadaadii ayaan aad ugu xiisaa Daqiiqad walbo,, Waxa tahay Qof aan la heli karin qof la mid ah, Adiga oo kale waa mar la arag aan aduunka lagu arkin, mar la maqal oo aan waligeed la maqlin ayaa tahay iftiin cadey Idha Urooneey miirkeyga kama go;in Shalay Markii aan Arkay Quruxdada oo Qiimaha ku dheehan faraxadaan helay'muqsuud baan ku ahaa, Habenkii xaloo idil hurdo maan helin Macaney markii aan hurud isleeyahay Heybadaada wacan iyo Quruxdada baa durba leey horkeenaa. Haf ayaan iraahaday Hareerahaan kaa dayay' dhoor jeer marka an hubiyay xalay in aadan hoyga soo galin ubaxNafteeydaan haruufay Hadalo kulul ku iraahday 'Hadana hoos u waanshay 'Hako baan iraahday'ogoow waad heleeysaa wixii laguu qoray samirkana kaasho ayaan iraahaday.. Qaaliyeey Anigoo weli jecel in aan kuu sii wado Shekeydeyda , Hadana aan warqaddan ku soo koobi karin sida Aan kaga helay oo aan kuu jantay , ayaan jeceleystay in aan ku soo afjaro murtideyda tixdan macaan ee ka turjumeysa sidaan kuu jantay ee weli aan kuugu jeelanahay:-Hablaha u horseed tahay Hubaal weeye hadalkaas,Mid haddii aan raacsho Horraantaada waan wacnaa,Habeenkii xaloo idil Hurdo maan haleelinoo,Hadba gees u jeestoo Hirar aad u weyniyo,Hawo baa i sidatoo Hadal waxaan ku jarayaa,Hammigeygu doonayaa Haween ii ahaatidoon,Haasaawaha wadaagnee Hab i sii macaaneey,Hamuun Caashaq Ha idaayee!!!!!
To:Qalbi UroonBy:Naf wax jecel Qalbi Qaali Wixii Qalad ah ka raali naqo.
|
|