W/T Jaamac Muuse Jaamac, 2/5/2008.
“Dhugta waxa idiin qoran” waxay soo baxday saaka waaberigii, maalin Jimce ah 2da bisha 5aad ee 2008da, waana farriin aan jeclaystay inaan dhambaalwadaha u mariyo Naadiga Akhristeyaasha Hargeysa, oo caawa u debbaaldegaya xuska sannadguuradii labaad ee kasoo wareegtay aasaaska Naadiga.
Naadigaan ku dhaateeEhel iigu dhow eenDhab wax u wadaagniyoDhallintii Hargeysaay
Maya! dhaha qabiil dhigaKulligiin mar wada dhahaDhista waxa idiin dana.
Riyadii dhabowdiyoDheehdii labeentiyoDhuuxii wanaaggiyoDhallaankii aqoontow
Maya! dhaha jahliga dhigaDhufta qalinka oo dhigaDhugta waxa idiin qoran.
Inta dhaadday garashiyoDhaayihii dadkaygoowDhiiggii naftaydoow
Dhaqashadii tisqaadkiyoDhambaalkii samaantow
Dhulkoo wada barwaaqiyoDharab xays ku reeboow
Dhawaaq sida wanaag iyoTimaaddada dhabeeyoow
Dheddig iyo labkiinubaBulshadayda dhabar iyoDhardhaarraaw tihiine
Maya! dhaha qabiil dhigaKulligiin mar wada dhahaDhista waxa idiin dana.
Maya! dhaha jahliga dhigaDhufta qalinka oo dhigaDhugta waxa idiin qoran.
Dhambaakani ha u muuqdo mid u gaar ah xubnaha Naadiga Akhristeyaasha Hargeysa, balse waa farriin ku socota dhammaan dhallinyaradeenna, waxaanaan ku martiqaadayaa qof kasta oo dhallinyaro ah oo waddankeennii ku nool inuu kusoo xidho Naadiga Akhristeyaasha Hargeysa.
Jaamac Muuse Jaamac,Pisa, jama@jamamusse@com