Welcome Guest Login or Signup BOOKMARK US | HELP

   sumayasomalia               
 


su'al is waydiin mudan

06/10/2008 13:43:48 / General

  SU'AAL IS WEEYDIIN MUDAN WALAALAYAAL.  *

* Hadad ogtahay walaal inay noloshadii ka hartay hal maalin ooy maanta tahay maalintii ugu dambaysay noloshada maxaad samyn lahayd walaal?>> ma waxad ku dhamayn lahayd malinkaas salad iyo oohin iyo dambi dhaaf aad allah ka waydiisanayso saladihii kaa tagay?>> mise waxad booqan lahayd ama wici lahayd qarabadii aad goysay adigoo ugu marmarsiyoonaya inaad mashquul ku ahayd noloshada iyo ?ยป mise waxad wada tuurilahayd ood fogayn lahayd CDyada iyo tapeyada musiga ee aad ka buuxisay kabdhkaga, mise waxad iska xidhi lahayd satelate TVga oowaxad usoo jeesayn lahayd inaad akhriso ood dhagaysato qur'aankii aad iloowday noloshadii oodhan?>> misa waxaad raali galin lahayd waalidka aad ku caasisay ?>> ma wici lahayd qofkasta ood gadashiisa wax ka Uri ama aad xumaysay mane u waydiin lahyd dambi dhaaf si alalh kuugu dambi dhaafo adiga?Wuxuu yiri Allaah kr ahaaye:" Ilaa markii ay dhimashadu u timaaddo midkood(danbiilaha) wuxuu yiraahdaa Rabiyow dib ii celi si aan u falo wanaag wixii aan uga soo tagey gadaal, MAY wax kale maahee waa kalmad uu iska yiraahdo, gadaashoodna waa barsakh(xijaab) Ilaa maalinta la soo bixin doon " (Almuminuun99,100)Hadaba..... Walaal maad samysid camalkasta oo wanagsan maanta sidii iyadoo maanta ay tahay maalinkii u dambaysay noloshada.Allaah kor ahaye wuxuu yiri : "Waxaad dhahda Nabiyow addoomadayda ku xadgudbay naftoodow Ha ka Qouusanina Naxariista Eebe , Eeba dhaafa Danbiyada dhamaantoode,waana dambi dhaaf badane naxariis badane" (suurat alzumar,53)Walaal, haka caajisin inaad walaaladaada kale u sii gudbiso, Allaah ayaad ajar kaga heli doontaaye.( Qofkii qof kale khayr tusaa ajarkiisa oo kale ayuu leeyahay).

Visit Smiley Central!Visit Smiley Central!sumaya somaliaVisit Smiley Central!Visit Smiley Central!










1/1/2007 12:00:00





Copyright © 2002-2007 SomaliLife.com