|
geeridii Nabiga(s.a.w)
06/10/2008 14:34:35 / General
"Haddi lagu
waaraayo dunidan lagama qaadeen Khayrul Khalqil
Lah" Nebigu wuxuu jiranaa 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen
Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horreeyay wuxuu ahaa Madax-xanuun,habeenkii
isniinta ee uu maalinkeeda dhiman doono ayaa xanuunkiisii cuslaaday.
Sayid-Bilaal ayaa aadamay aadaankii salaadda subax wuxuu istaagay albaabka
guriga Nebiga, wuxuuna yiri: (Assalamu caleyka yaa rasuululaahi) Faaduma ayaa
tiri: "Rasuulkii Illahey nafsadiisa ayuu ku mashquulsan yahay, markii salaaddii
cadaatay ayaa Sayid-Bilaal soo laabtay, wuuna salaamay rasuulka sidii hore oo
kale, dhawaaqii Bilaal waxaa maqlay rasuulka wuxuuna yiri: "soo gal Bilaal",
waana soo galay Bilaal isagoo ooyaya Rasuulkuna SCW wuxuu yiri Bilaalow jiradii
ayaa igu cuslaatay ee ha tujiyo salaadda dadka Abuubakar Sadiiq. Bilaal waa
baxay isagoo madaxa gacmaha saaranaya, dhahayana musiibo ayaa noo timid iyo
ereyo kale oo la mid ah.Masjidkii ay uu galay, wuxuuna Abuubakar ku yiri
"Nebigu wuxuu ku amrayaa inaad salaadda tujiso" Abuubakar markii uu arkay
mixraabkii uu Nebigu NNKH istaagi jiray oo faaruq ah wuu hanan waayay
nafsaddiisa waana la miir daboolay waana qeyliyay, muslimiintii oo dhanna wey
qeyliyeen, qeyladii ayuu maqlay Nebigu NNKH wuxuuna weydiiyay gabadhiisa Faadumo
wuxuuna yiri " Faadumoy waa maxay hugunka iyo sawaxanka yeeraya?" waxay tiri
Faadumo "Muslimiintii ayaa qeylinaya markey ku waayeen". Rasuulku wuxuu u yeeray
Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garba galeen waxeyna geeyeen masajidkii
salaaddii ayuuna ka baxshay asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku NNKH la
dardaarmay asaxaabtii wuxuuna yiri: "Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan idinku
sagootinayaa cabsida Illahay iyo inaad adeecdaan oo aad amarkiisa qaadataan
anigu waan faaruqayaa (ka tagayaa) adduunyada, maantana waa maalintii iigu
dambaysay adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro".Intaa kaddib Nebiga NNKH
waxaa la geeyey gurigiisa, Illahay ayaa u waxyooday Malakul-mowt wuxuuna
yiri: "Hoobo (u tag) xabiibkayga (kaan jeclaa) Muxammad
NNKH uguna tag suurad wanaagsan una dhimri (naxariiso) marka aad ka qaadaysid
nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u gal gurigga balse
haddii uu kuu diido ha u galin, kana soo laabo".Malakul-mowt wuxuu u tagay
Nabigeena Muxammad NNKH isagooo u eg nin reer baadiye ah, wuxuuna yiri:
"Assalamu calaykum ma soo galaa?" Faadumo ayaa la hadashay oo tiri: "Ninyahow
rasuulkii Illahay wuxuu ku mashquulsan yahay nafsadiisa"!!Malakul-mowt
mar labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii.Rasuulka NNKH
ayaa Faaduma ku yiri: "Ma garanaysaa ninka?". Faaduma waxay tiri: " Maya"
rasuulku wuxuu yiri: "waa ninka gooya macaanyaalka, kala geeya (kala wada) dadka
is jecel, kharaabiya guryaha, camira Qubuurta, ilmaha agoonteeya, naagahana
garoobbo ka dhiga, waxaana la yiraahdaa Malakul-mowt".Faaduma markay
ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay ooysay, waxayna tiri: " masiibo ayaa
nagu dhacday, waxaana dhimanaya rasuulkii Illahay ee ugu dambeeyey ambiyada,
waxaa naga go'ayaa wax'yigii samada ka imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii
rasuulkeena, maanta kaddibna maqli mayno salaantii Aabahay.Rasuulku wuxuu
yiri: Faadumoy waxaad tahay qofka ugu horreeya ee aan is haleeleyno (isla
kulmeyno)" wuxuu kaloo rasuulku yiri:" malakul'mowdow soo gal" wuuna soo galay
malakul'mowt, wuxuuna yiri. "Assalamu calayka yaa rasuullulaah" rasuulkuna wuxuu
yiri "wacalaykum assalam yaa malakul-mowt, ma waxaad iigu timid inaad i soo
siyaarato mise inaad iga qaado nafta?". Malakul-mowt wuxuu yiri:
"waxaan kuugu imid inaan ku soo siyaarto kaana qaado nafta haddii aad ii idinto,
balse haddii aad ii idmi weyso waan iska laabanayaa! Rasuulku wuxuu yiri:
"malakul-mowdow xaggee uga soo tagtay malakul-jibriil. Malakul-mowt wuxuu
yiri:"waxaan uga soo tagay samada adduunyada", isla markiiba waxaa yimid
malakul-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga madaxiisa, wuxuuna rasuulku yiri:
"miyaadan ogayn in amarkii dhawaaday? Wuxuu yiri:"waan ogahay rasuulkii
Illaahayow".Rasuulku wuxuu yiri: " iigu bishaarey Illaahay agtiisa waxa ii
yaala oo karaama ah (wanaag ah)". Malakul-jibriil wuxuu yiri: "albaabada
samada waa la wada furay, malaa'igtii Illaahayna saf bay galeen iyagoo sugaya
ruuxdaada, albaabadii jannada waa la wada furay". Rasuulku wuxuu yiri: "iigu
bishaaree siday ahaan doontaa ummadaydu maalinta
Qiyaamaha?".Malakul-jibriil wuxuu yiri: "waxaan kuugu bishaaraynayaa
Illaahay inuu yiri: Jannada waan ka xarimay (u diiday) ambiyada illaa Nabi
Muxammad NNKH galo, sidoo kale jannada waan ka xarimay ummadaha Illaahay oo dhan
illaa ay ummadda Nabi Muxammad ka galaan".Rasuulkuna wuxuu yiri: "hadda ayuu
diib noqday (wanaagsanaaday) qalbigaygu, igana suushay murugtii".Rasuulku
wuxuu yiri: "malakul-mowdow ii soo dhowow". Malakul-mowt waa u soo dhawaaday
naftii ayuuna ka jiiday illaa ruuxdii ka soo gaarto xudunta.Rasuulku wuxuu yiri:
"maxaa darnaan badiyey xaraaradda (xanuunka) mowdka", wuxuu kaloo yiri:
"malakul-jibriilow ma waxaad dhibsatay fiirinta wijigayga?". Malakul-jibriil
wuxuu yiri " Illaahay xabiibkiisiyow yaa awood u leh inuu fiiriyo wajigaaga
adigoo sakaraadaya". Aanas Binu Maalik wuxuu yiri: " Nabigu markay naftu ka
baxaysay wuxuu lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay
(milkisay) gacmihiinu.Rasuulkii Illaahay waa geeriyooday maalin isniin ah ee
bisha rabiicul-awal ka mid ah, ama loo yaqaan mowliid. Haddii adduuniyo lagu
baaqi yeelayo qof, waxaa la dayn lahaa rasuulkii Illaahay:Rasuulka waxaa
mayray Sayid Cali, waxaa ku shushubayey biyaha fadal bin Cabaas iyo Usaama bin
Zayd, waana la karfanay, waana lagu tukaday, waxaana lagu duugay gurigiisii ee
qolka Caa'isha RC, habeen arbaco ah ayaana la duugay Suubanaha
NNKH.
Sirta noloshu ma aha xoog ee
waa xeelad
Balse Ilaahay ayaa garansiinta
iska leh &n bsp; &nb sp;

|
|
|
MEMBERS COMMENTS
|
|
|
|
|
|